Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Isku Raacay in aan Fasax Lagelin oo Shaqada Lasii Wado
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 06 2008
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Isku Raacay in aan Fasax Lagelin oo Shaqada Lasii Wado
Written by Ali Moallim   
Sunday, 06 July 2008

Baydhabo,(insidesomalia.org)- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshay xaruntooda Magaalada Baydhabo ayaa waxay gunaanadkii shirkooda isku raaceen in aan fasax lagelin oo ay sii wadaan howlaha Baarlamaanka.

Xildhibaannada oo markii ay Xarunta Baarlamaanka isugu tageen lagu wargeliyay in ay u yaalaan labo mooshin oo kala ah in ay fasax galaan oo kalfadhiga Baarlamaanka la xiro iyo in aan fasax gelin oo ay sii wadaan howlaha Baarlamaanka ayaa waxay  Xildhibaannada u kala baxeen kuwo doonaya in fasax la galo iyo kuwo kale oo raba in uu Baarlamaanka howshiisa sii wato.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa Xildhibaannadii qabay in fasax uu galo baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in Xeer hoosaadka u degsan Baarlamaanka uu dhigayo in afartii biloodba ay Xildhibaannada Baarlamaanka fasax galaan, sidaas darteedna aysanba jirin sabab loo keeno Mooshin kale oo ku saabsan in aan fasax la gelin.

Laakin Xildhibaan Cawad Axmed Xasharo oo qabay  fikir midkaas ka duwan ayaa wuxuu sheegay in xaalad adag oo uu dalka ku jiro aawgeed aan suurtagal ahayn in Xildhibaanada la kala diro, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Xildhibaannada looga baahan yahay in ay u guntadaan sidii wax looga qaban lahaa dhibooyinka ka taagan Dalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, markii ay Xildhibaannada dooddaas dhexmartay ayaa waxaa ugu dambeyntii cod loo qaaday labada Mooshin ee Baarlamaanka la horgeeyay, kuwaasi oo kala ah in Baarlamaanka fasax la geliyo iyo in aan la gelin, waxayna 149 mudane u codeeyeen in aan Baarlamaanka fasax la gelin oo uu shaqeeyo, waxaa diiday hal mudane, shan mudane oo kalena waa ay ka aamuseen,waxaana Fadhiga Baarlamaanka soo xaadirey  155 mudane, iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankii maanta uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shekh Aadan Madoobe.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >